Waa maxay Amniga Internetka: baro Sida Looga Badbaado dhaca Online-ka ah

Hordhac
Maanta, adduunka internetka ayaa noqday mid lama huraan ah oo nolosha iyo ganacsigaba ka mid ah. Dad badan ayaa adeegsanaya internetka si ay ugu ganacsadaan, wax u bartaan, ama ula xiriiraan asxaabtooda. Laakiin, internetku wuxuu leeyahay khataro badan oo qof kasta iyo ganacsi kasta uu la kulmi karo. Qof kasta oo isticmaala online-ka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ganacsatada bilowga ah, waa inuu ka digtoonaado dhaca iyo weerarrada online-ka ka dhaca. Fahamka khataraha iyo tallaabooyin yar yar oo aad qaado yaa kaa caawin kara inaad ka hortagto dhibaatooyin waaweyn oo saameyn kara noloshaada iyo ganacsigaaga.

Fahamka Khataraha Internetka
Internetku wuu qurux badan yahay, laakiin sidoo kale wuu khatar badan yahay. Waxaa jira noocyo kala duwan oo weerarro dijitaal ah sida fayrusyo, farriimo maldahan, iyo xatooyo aqoonsi. Phishing-ka tusaale ahaan waa fariimo ama emails u muuqda kuwo rasmi ah, laakiin ujeedkoodu waa in lagaa xado xogta shaqsiyadeed ama mida ganacsi. Ransomware-ka wuxuu qarin ama xadi karaa xogtaada ilaa aad bixiso lacag si aad u hesho.

Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ganacsatada bilowga ah ayaa si gaar ah khatar ugu jira, sababtoo ah dad badan ayaa isticmaala internetka iyaga oo aan si buuxda u fahmin khataraha. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah ayaa laga yaabaa in lagu khiyaameeyo email la mid ah midka bangigiisa, taasoo keeni karta inuu lumiyo lacag ama xog muhiim ah. Fahamka khatarahan waa tallaabada ugu horeysa ee amniga dijitaalka ah.

Sirta iyo Password-ka
Nambar sireedka (Password) adag waa furaha amnigaaga internetka. Nambar sireedkaaga waa inuu noqdaa mid adag, isku dhafan xarfo waaweyn, xarfo yar, nambarro, iyo calaamado gaar ah. Ha isticmaalin erayo sahlan sida magacaaga, magaca qof aad taqaano, ama taariikhda dhalashada. Waxaa fiican in password-yo kala duwan loo isticmaalo website kasta oo muhiim ah.

Intaa waxaa dheer, inaad adeegsato hubinta labada jeer ah ee loo yaqaano (two-factor authentication (2FA). waana tallaabada ugu muhiimsan oo ka dhigaysa in xitaa haddii password-kaaga la xado, account-kaagu weli ammaan yahay. Tusaale ahaan, marka aad isku daydo inaad gasho email-kaaga ama account-kaaga bangiga, waxaa lagaa codsanayaa kood gaar ah oo lagu soo diro taleefankaaga. Habkan wuxuu ka hortagayaa in qof aanad ogayn uu si fudud u galo account-kaaga.

Amniga Email-ka iyo Social Media
Email-ka iyo baraha bulshada waa meelaha ugu badan ee khataruhu ka yimaadaan. Ka digtoonowlifaaqyada iyo fariimaha shakiga leh. Mar kasta oo aad hesho email ka yimid qof aanad aqoon, ha gujin links-ka ama ha soo dejin files-ka. Xitaa haddii email-ka u muuqdo mid saaxiib ama shirkad aad taqaan kayimid, had iyo jeer hubi saxnaanta lifaaqyada ama cinwaanka email-ka.

Sidoo kale, hubi settings-ka privacy-gaaga, gaar ahaan Facebook, Instagram, iyo WhatsApp. Xadid cidda arki karta xogtaada, sawiradaada, iyo macluumaadkaaga shaqsiyadeed. Tani waxay kaa caawinaysaa in dad aanad aqoon aysan marin u helin macluumaadkaaga.

Ilaalinta Xogta Ganacsiga
Haddii aad leedahay ganacsi online ah, xogtaada waa mid aad muhiim u ah. Mar kasta samee xogtaada ku xifdi cloudka (data backups), si haddii kombuyuutarkaagu u waxyeeloobo ama la jabsado, xogtaadu aysan u lumin. Waxaa fiican in backups-ka lagu hayo meel ammaan ah sida cloud-ka la isku halleyn karo. 

Sidoo kale, isticmaal apps iyo software-rada la isku halleyn karo oo la cusbooneysiiyo si joogto ah. Ka fogow software-ka aan la aqoon ama websites-ka aan ammaan ahayn. Hubi in nidaamyada lacag bixinta ee aad isticmaasho ay yihiin kuwo la xaqiijiyay, gaar ahaan haddii aad iibiso alaabo ama adeegyo online.

Raac Talaabooyinkan si aad ugu bad baado online-ka

Waxaa jira talaabooyin fudud oo aad qaadi karto maanta si aad u ilaaliso amnigaaga dijitaalka ah. Software-kaaga ku cusboonaysii si joogto ah, kor u qaad aqoontaada internet-ka, diban u eeg  accounts-kaaga si joogto ah. Ha iloobin in digtoonaantu tahay tallaabada ugu muhiimsan; mar kastana ka fiirso fariimaha iyo links-ka aad helayso.

Haddii aad ganacsi leedahay, hubi in shaqaalahaagu ay fahmaan khataraha internetka. Tababaro kooban oo ku saabsan phishing, sirta, iyo ilaalinta xogta ayaa si weyn u yareyn kara halista weerarrada dijitaalka ah.

Gabagabo
Amniga internetku ma aha arrin lagu ciyaaro, gaar ahaan dhalinyarada iyo ganacsatada bilowga ah. Fahamka khataraha, isticmaalka passwords adag, ilaalinta email-ka iyo social media, iyo talaabooyinka fudud ee badbaadada ayaa kaa dhigi kara inaad ka hortagto tuugada online-ka ku dhacda dadka. Ku dhaqanka talooyinka kor ku xusan ayaa badbaadin kara xogtaada, lacagtaada, iyo ganacsigaaga. Maskaxdana ku hay in badbaadada internetku tahay safar joogto ah — mar kasta waa inaad la socotaa isbeddelada cusub ee khataraha online-ka si aad uga hortagto waxyeelo kasta.

lawadaag asxaabtaada