Johannesburg, Koonfur Afrika – Oktoobar 2025: Shirkadda caalamiga ah ee Visa Inc. ayaa furtay xarunteedii ugu horraysay ee xogta (data center) ee ku taalla gudaha Afrika, taasoo qayb ka ah qorshe ay ku maalgelinayso hal bilyan oo doolar (US $1 billion) si loo xoojiyo kaabayaasha dijitaalka ah ee qaaradda.
Afrika maxay uga dhigantahay xarunta?
Xaruntan cusub waxay Visa ka dhigaysaa shirkaddii ugu horraysay ee ka tirsan bixiyeyaasha adeega kaararka bangiyada caalamiga ah ee dhista xarun xogeed gudaha Afrika. xaruntani waxay si weyn u yareyn doontaa waqtiga isweedaarsiga lacagaha, waxayna xoojin doontaa amniga iyo madaxbannaanida xogta ee dalalka Afrika. Sidoo kale, waxaa yaraan doona dhaca online-ka ee afrika ka dhaca.
Maalgelintan cusub waxay dhiirrigelin doontaa sharikadaha maxalliga ah ee ka shaqeeya adeegyada lacag bixinta, bangiyada iyo ganacsiyada e-commerce. Xarunta Johannesburg waxay noqon doontaa xarun isku xirta nidaamyada lacag bixinta gudaha Afrika, taasoo sahlaysa in shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ahi ay si fudud u isticmaalaan nidaamyada kaadhka Visa.
Waxaa intaas dheer, shirkada Visa waxay qorsheyneysaa xarumo kale oo la mid ah kuwaan in lagu furo Bariga iyo Waqooyiga Afrika, si loo ballaariyo isku xirka dijitaalka ah iyo taageerada maaliyadeed ee qaaradda oo dhan.
Maalgelin Ku Saleysan Mustaqbalka Afrika
Afhayeen u hadlay Visa ayaa sheegay in tallaabadani tahay bilowga “marxalad cusub oo isku xiraysa suuqyada Afrika iyo nidaamyada maaliyadeed ee casriga ah.”
Waxaa lagu tilmaamay mid ujeeddadeedu tahay in Afrika laga dhiso nidaam lacag bixin oo gudaha ah, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta xarumaha xogta ee Aasiya iyo Yurub.
Gunaanad
Furitaanka xarunta xogeed ee Visa waa tallaabo muujinaysa in Afrika ay u socoto dhanka is-maamulidda xogta iyo adeegyada dijitaalka ah. Tani waxay dhisi doontaa kalsooni ganacsi, waxayna fureysaa fursado cusub oo dhaqaale oo ay ka faa’idi karaan shirkadaha, fintech-yada, iyo bangiyada gudaha qaaradda.
Isha Warka: Reuters – Visa Opens First Africa Data Centre in Johannesburg