Ottawa, Kanada – 23 Sebtembar 2025
TikTok, barnaamijka caanka ah ee lagu wadaago muuqaallada gaagaaban, ayaa shaacisay inay qaadayso tallaabooyin cusub oo looga hortagayo isticmaalka carruurta Kanada. Tani waxay ka dhalatay baaritaan ka socday gudiga ilaalinta xogta gaarka ah ee Kanada, oo muujiyay in dadaalladii hore ee shirkaddu aysan ku filnayn ilaalinta isticmaalayaasha da’da yar.
Baaritaanku waxaa wada sameeyay Komishanka ilaalinta xogta gaarka ah ee Kanada iyo hay’adaha dhigooda ah ee gobollada Quebec, British Columbia, iyo Alberta. Natiijooyinka ayaa tilmaamay in boqolaal kun oo carruur Kanadiyan ah ay sanad walba galaan TikTok, inkastoo shuruudda da’duna tahay 13 sano iyo wixii ka weyn. TikTok ayaa hore u sheegtay in app-ka loogu talagalay dadka ka weyn 13 sano, laakiin baaritaanku wuxuu muujiyay in carruurta yar-yar si fudud u galaan barnaamijka.
Ururinta Xogta Iyo Saameynta Dhalinyarada
Baaritaanku wuxuu muujiyay in TikTok ay uruuriso xog shaqsiyeed xasaasi ah oo ku saabsan carruurta, isla markaana xogtaasi loo adeegsado suuq-geynta iyo soo bandhigida waxyaabaha ku habboon isticmaalayaasha. Afhayeen ka tirsan hay’adaha asturnaanta ayaa yiri:
“TikTok waxay ururisaa xog badan oo ku saabsan isticmaaleyaasha, carruurta iyo dadka waaweynba. Xogtan waxaa loo adeegsadaa in lagu beegsado waxyaabaha iyo xayisiisyada, taas oo dhalinyarada ku abuuri karta saameyn taban.”
Tani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in barnaamijyada online-ka ah ay ilaaliyaan carruurta, ayna bixiyaan habab cad oo daahfuran oo ku saabsan sida xogtooda loo ururiyo loona isticmaalo.
Tallaabooyinka Cusub Ee TikTok
Si looga jawaabo natiijooyinka baaritaanka, TikTok ayaa oggolaatay inay:
- Xoojiso hababka hubinta da’da si carruurta ka yar 13 sano looga hortago inay galaan app-ka.
- Hagaajiso hababka isgaarsiinta si isticmaalayaasha, gaar ahaan carruurta, ay u fahmaan sida xogtooda loo isticmaali karo.
- Ka hortagto xayisiiyeyaasha inay beegsadaan isticmaalayaasha ka yar 18 sano, marka laga reebo qaybo guud sida luqadda iyo goobta.
- Ballaariso warbixinnada gaarka ah ee la heli karo isticmaalayaasha Kanada.
Afhayeen ka tirsan TikTok ayaa yiri:“Inkasta oo aan ku khilaafsanahay qaar ka mid ah natiijooyinka baaritaanka, waxaan ku go’aansanay ilaalinta hufnaanta sare iyo ilaalinta xogta isticmaalayaasha.”
TikTok, Shiinaha Iyo Xeerarka Caalamiga
TikTok waxaa iska leh shirkadda Shiinaha ee ByteDance Ltd, iyadoo dalal badan iyo hay’ado caalami ah ay ka digayaan isticmaalka barnaamijka sababo la xiriira ururinta xogta iyo amniga qaranka.
- Mareykanka: Senetku wuxuu ansixiyay sharci mamnuucaya shaqaalaha federaalka inay TikTok ka isticmaalaan compiyuutarada dowliga ah.
- Midowga Yurub: Hay’adaha siyaasadda ayaa ka hor istaagay shaqaalaha inay TikTok ku isticmaalaan taleefannada shaqada.
Canada waxay ku biirtay dalalkan si ay u hubiso in xogta carruurta iyo dhalinyarada Kanada loo ilaaliyo, isla markaana la yareeyo khatarta amni ee barnaamijyada caanka ah ee online-ka.
Saameynta Madasha TikTok Ee Dhalinyarada
Baaritaanku wuxuu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu qiimeynayo saameynta TikTok ku leeyahay dhalinyarada. TikTok waxay balan qaaday inay sii wadi doonto horumarinta daahfurnaanta iyo ilaalinta xogta gaarka ah, si isticmaalayaashu, gaar ahaan carruurta, u helaan khibrad ammaan ah oo ku habboon da’dooda. taas oo muhiimad weyn u leh waalidiinta, macalimiinta, iyo hay’adaha ilaalinta carruurta, kuwaas oo doonaya in carruurta ay si nabad ah uga faa’iidaystaan barnaamijyada online-ka ee caanka ah.
xigasho: Reuters https://kntn.ly/d3e2283d