TikTok, Facebook, Telegram iyo WhatsApp: Sidee Xogtaada Baraha Bulshada Looga Faa’idaystaa?

Xogtaada Waa Hantidaada Dijitalka

Marka aad sawir ku dhajiso Facebook, ama aad fariin dirto WhatsApp, xogtaas ma joogto kaliya taleefankaaga. Waxaa laga yaabaa in ay safar dheer gasho—laga bilaabo server-yada shirkadaha ilaa shirkado xayeysiis ah oo kaa sameeya sawir buuxa.
Dunida maanta, xogtu waa lacagta cusub. Shirkadaha sida TikTok, Meta (Facebook iyo WhatsApp), iyo Telegram waxay ururiyaan xog malaayiin qof ah maalin kasta si ay u fahmaan dadka, dabeecadahooda iyo waxa ay rabaan. Haddaba, maxay dhab ahaantii xogtaada ku samaynayaan?

TikTok: Madadaalo Mise Mashiin Xog-ururin?

TikTok waxaa loo arkaa bar madadaalo, balse dhab ahaantii waa mashiin xog-ururin casri ah. Barnaamijku wuxuu ururiyaa xogta dadka adeegsada xitaa hadii aadan waxba soo bandhigin. Waxaa la ogyahay in uu kaydiyo:

  • Goobtaada (location),
  • Nooca taleefanka aad isticmaalayso,
  • Muuqaallada aad jeceshahay iyo waqtiga aad ku qaadato daawashadooda

Daraasad ay sameeyay The Washington Post ayaa muujisay in TikTok u xogtaas u uruuriyo si ay u fahmaan waxa aad xiisayso, kadibna ay “For You” page-ka uu noqdo mid adiga kugu habboon. Qof kastaa wuu ogyahay sida ay u adagtahay in aad ka baxdo markaad hal fiidiyow daawato oo uu kugu celceliyo kuwo la mid ah.
sida aan ka soo xiganay mareegta (The Verge): “TikTok ayaa mar la ganaaxay in ka badan $600 milyan kadib eedeymo la xiriiray gudbinta xogta dadka adeegsada ee Shiinaha” 

Facebook: Ma Iibiyaa xogta?

Facebook waa meesha ay dadku u isticmaalaan xiriirka bulshada, laakiin Meta—shirkadda hoos timaada—waxay ka ganacsataa xogtaada. Sanadii 2021, xogta in ka badan 533 milyan oo qof ayaa la xaday. Magacyada, lambarrada taleefannada, iyo emayllo ayaa laga helay boggag internet ah oo lagu iibiyo xogta.
Intaas kaliya ma ahan; Facebook waxay xogtaada u gudbisaa shirkado xayeysiis ah si ay kuu tusaan xayeysiisyo adiga kugu habboon. Tusaale ahaan, haddii aad daawato muuqaallo ku saabsan ganacsiga, waxaad arki doontaa xayeysiisyo ku saabsan tababaro ganacsi ama koorsooyin.
Meta marar badan ayaa lagu eedeeyay in xogta dadka loo adeegsado siyaasad, olole doorasho, iyo xayeysiisyo si gaar ah loo beegsaday (TerranovaSecurity.com).

Telegram ma ilaalisaa xogta?

Telegram waxaa loo arkaa app ammaan ah, laakiin xaqiiqadu way ka duwan tahay. Fariimaha caadiga ah ee aad dirto ma dhawrsana oo malahan  (encrypt) gebi ahaanba. Farriimaha Waxaa lagu kaydiyaa server-rada shirkadda, taas oo micnaheedu yahay in xogtaada la heli karo haddii server-ka la jabsado ama la baaro.
Telegram waxay leedahay “Secret Chat” oo keliya ah mid si buuxda loo dhawray, balse inta badan dadka ma isticmaalaan. Sidaa darteed, fariimahaaga “caadiga ah” ma aha kuwo gebi ahaan ammaan ah.
Warbixin ay bixisay Norton Security ayaa muujisay in Telegram aysan ilaalin xogta adeegsadayaasha  si la mid ah baraha kale ee diiradda saara amniga.

WhatsApp: Xogtaada Maku dhawrsantahay?

WhatsApp waxay isticmaashaa Signal Protocol oo ah farsamo ilaalisa xogta loona yaqaano (end-to-end encryption). Laakiin taasi macnaheedu maaha in xogtaadu  ammaan tahay.
WhatsApp waxay ururisaa xog kale oo badan sida lambarkaaga, goobta aad joogto, iyo xiriirada taleefankaaga. Xogtaas waxaa loo isticmaalaa in lagu horumariyo adeegyada Meta—iyo in la fahmo xiriirka dadka.
Sanadii 2021, shirkaddu waxay beddeshay siyaasaddeeda ilaalinta xogta, taas oo u saamaxday in xogta qaarkeed lala wadaago Facebook, waxayna keentay in malaayiin qof u wareegaan barnaamijta kala ah Signal iyo Telegram.

Sidee Xogtaada Looga Faa’iidaystaa?

Xogtaada waxaa loo isticmaalaa laba siyaabood:

  1. Xayeysiisyada: aaladahan  waxay fahmaan waxa aad jeceshahay, kadibna waxay kuu soo bandhigayaan xayeysiisyo adiga kugu habboon. Tusaale, haddii aad daawato muuqaallada quruxda dumarka, waxaad arkaysaa xayeysiisyo ku saabsan alaabooyin daryeel maqaarka iyo wixii lamid ah.
  2. Horumarinta adeegyada: Shirkaduhu waxay xogta u adeegsadaan si ay u ogaadaan sida dadku u isticmaalaan app-ka, taasoo u sahlaysa inay sameeyaan adeegyo cusub  oo ku soo jiita kuguna dhiiri galiya inaad sii adeegsatid aaladahan.

Marka la soo koobo: xogtaadu waa shidaalka ay ku shaqeeyaan shirkadahaas. Adiguna waxaad tahay isha ugu weyn ee tamarta dijitaalka ah.

Sida Loo Ilaaliyo Xogtaada

Si aad uga badbaado xog-ururinta aanad rabin, qaad tallaabooyinkan fudud:

  • Dib u eeg qaybta  (Privacy Settings) ee uu leeyahay barnaamij kasta.
  • Ha lawadaagin xog shakhsiyadeed sida lambarkaaga, emaylkaaga ama aqoonsigaaga rasmiga ah.
  • Samee namabar sir ah oo adag oo u gaar ah app-ka aad adeegsanaysid.
  • Ka fogow farriimaha shakiga leh ee laguu soo diro, gaar ahaan kuwa leh “riix halkan.”
  • Adeegso  (Two-step verification) oo ah inaad ku xidho teleefan ama app-ka google authenticator si aad uga hortagto gelitaanka aan la oggolayn.
  • Haddii ay suurtagal tahay, isticmaal VPN marka aad isticmaalayso Wi-Fi dadweyne.

Gunaanad: Xogtaadu Waa Hantidaada Dijitalka

Xogtaadu waa sida lacagtaada—markaad lumiso, way adag tahay in la soo celiyo.
Shirkadaha tiknoolajiyadda waxay doonayaan xogtaada sababtoo ah waxay ku og yihiin, waxayna kuu sawiraan sawir buuxa oo noloshaada dijitalka ah. Waa waqtigii aad si dhab ah u ilaalin lahayd xogtaada. Had iyo jeer xasuuso: Xogtaada waa hantidaada dijitalka. Ilaali ka hor inta aan cid kale faa’ido ka helin.

lawadaag asxaabtaada