suuqa garaadka macmalka ah (AI) ee afrika wuxuu gaadhi doonaa 16.5$bilyan sanada 2030


Taariikh: Agoosto 2025

xigasho:Technext https://shorturl.at/JZWkL

Mastercard: “AI-gu wuxuu horey kabadalay nolosha Afrika”

Mark Elliott, madaxweynaha waaxda Afrika ee Mastercard, ayaa yiri xafladdii lagu daahfuray warbixinta:

“Ka-qaybgalka Afrika ee AI-ga waxaa uu durba wax weyn ka beddelay nolosha dadka — ma aha oo kaliya shaybaarada, balse sidoo kale beeraha, isbitaallada iyo goobaha waxbarashada. Si aan awooddeeda buuxda u furanno, waxaan u baahan nahay maalgashi ku saabsan kaabayaasha, xogta, xirfadaha iyo dajinta siyaasado. Mastercard waxaa ay aaminsan tahay in AI si mas’uuliyad leh loo hirgeliyaa ay kobcin karto sinnaanta iyo in dad badan loo furo fursado.”

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in AI-gu abuuri karo illaa 230 milyan oo shaqooyin dhijitaal ah marka la gaaro 2030, isla markaana ay ballaarin karto helitaanka adeegyada maaliyadda rasmi ah iyadoo la adeegsanayo qiimeynta amaahda iyo ka hortagga khiyaanada oo ku salaysan AI.

waddamada gobolka iyo AI-ga

  • Koonfur Afrika: Waxay 2023 soo jiidatay $610 milyan oo maalgelin ku saabsan AI, iyadoo la filayo in maalgelintu gaarto $3.7 bilyan 2030. Dalkaasi waxa uu hoy u yahay Artificial Intelligence Institute of South Africa, waxaana qorshuhu yahay in la sameeyo 300 shirkadood oo AI ah iyo tababarka 5,000 khubaro marka la gaaro 2030.
  • Kenya: Waxaa loo yaqaannaa “Silicon Savannah” waxaana AI si badbaado leh loogu adeegsadaa adeegyo kala duwan. Shirkadda Tala ayaa xogta mobaylka ugu adeegata qiimeynta amaahda, halka UlizaLlama oo ay leedahay Jacaranda Health ay taageero caafimaad hooyo ku bixiso shan luqadood oo maxalli ah. Dowladda Kenya waxay daahfurtay istaraatiijiyadda qaran ee AI (2025–2030) si dalka loogu dhiso xarun cilmi-baaris iyo hal-abuur.
  • Nigeria: Waxaa kaalinta labaad kaga jirta Afrika shirkadaha AI-ga, iyadoo 2023 heshay $218 milyan oo maalgelin VC ah. Waxaa AI-ga loogu adeegsadaa waxbarashada gaarka ah (Rising Academies), microfinance (Kudi.ai), iyo hufinta maamulka dadweynaha. Suuqa AI ee dalka ayaa la saadaalinayaa inuu gaadho $1.4 bilyan 2025.
  • Morocco: Dalka Morocco waxaa uu ka mid noqday xarumaha AI-ga ee Waqooyiga Afrika. waxaynaa u adeegsadaan caafimaadka, tamarta, beeraha iyo maaliyadda. Jaamacadda Mohammed VI Polytechnic iyo shirkadda DeepEcho ayaa horseed u ah hal-abuurka maxalliga ah. Qorshaha Digital 2030 waxa uu doonayaa in dalka lagu soo jiito $1.1 bilyan iyo abuurista 240,000 shaqooyin dhijitaal ah marka la gaaro 2030.

Caawinta koboca Afrika

Greg Ulrich, oo ah madaxa AI iyo xogta ee Mastercard, ayaa sheegay:

“AI-gu waxaa ay ku xiran tahay kalsoonida lagu qabo. Mastercard waxaa ka go’an dhisidda AI mas’uuliyad leh, oo loo wada dhan yahay, isla markaana qiimo ku kordhiya macaamiisha, la-hawlgalayaasha iyo shaqaalaha.”

Warbixinta ayaa si cad u sheegaysa in caqabadaha sida kala-duwanaanta xogta, ka saarista luqadaha maxalliga ah iyo siyaasadaha aan isku midka ahayn ay sii kale fogeenayso farqiga dhijitaalka ah.

Hase yeeshee, waxay carrabka ku adkaysay in AI-gu awood u leeyhay dardar gelinta sinnaanta maaliyadeed iyo kororka dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Afrika. Iskaashiga dowladaha, fintech-yada iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa muhiim u noqon doona in la gaaro saamaynta buuxda ee AI.

Warbixintan cusub ee Mastercard ayaa ka faa’idaysatay aragtiyo ay bixiyeen khubaro Afrikaan ah, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo ganacsato, iyadoo sidoo kale la tixraacay hay’adaha sida UNESCO iyo Xarunta Bedelka Dhaqaalaha ee Afrika

lawadaag asxaabtaada