Perplexity Oo Dalab 34.5 Bilyan Ah Ku Doonaysa Inay Iibsato Chrome

Shirkadda AI-ga ee Perplexity ayaa ku dhawaaqday in ay doonayso inay ku iibsato Chrome Browser 34.5 bilyan oo doolar, xilli shirkaddu illaa hadda kaliya heshay maalgelin dhan 1.5 bilyan. Dalabkani wuxuu yimid iyadoo Maraykanku ku cadaadinayo Google inay ka tanaasusho Chrome sababo la xiriira dacwad ku saabsan ixtikaarka suuqa internetka.

xigasho: Tichcrunch https://shorturl.at/VIted

muxuu yahay Dalabka Perplexity

Perplexity waxay sheegtay in ay ku iibsanayso Chrome 34.5 bilyan oo doolar lacag ah, 3 bilyan oo doolarna ku maalgelinayso horumarinta Chromium oo ah software furan. waxayna Ballanqaaday in Google uu ku sii shaqayn doono Chrome oo ayna gooni ula bixi doonin. Tani waxay muujinaysaa in Perplexity aysan ku qasbi doonin isticmaalayaasha inay u wareegaan adeeg raadineed oo ay iyadu leedahay.

Dacwad ka dhan ah Google

Waaxda Caddaaladda Maraykanka (DOJ) ayaa bishii Maarso soo jeedisay in Google laga iibiyo Chrome, kadib markii maxkamad go’aamisay in shirkaddu ku xadgudubtay suuqa internetka. Google wali kama jawaabin dalabka Perplexity, balse waxay hore u sheegtay inay racfaan qaadanayso. Waxaa kale oo socda dacwado kale oo ka dhan ah Google oo la xiriira xayeysiiska.

Qiimaha Suuqa iyo Tartanka

DuckDuckGo ayaa hore u sheegay in qiimaha Chrome uu ugu yaraan yahay 50 bilyan oo doolar. Chrome ayaa hadda haysta ku dhawaad 68% suuqa browser-yada adduunka. Haddii maxkamaddu amarto iibinta Chrome, shirkado badan oo waaweyn ayaa xiiseyn doona, sida OpenAI.

Xaaladda Dhaqaale ee Perplexity

Ilaa hadda waxay soo heshay kaliya maalgalin 1.5 bilyan oo doolar ah. Shirkadda waxaa lagu qiimeeyay 18 bilyan oo doolar. Bishii hore waxay soo saartay browser u gaar ah oo la yiraahdo Comet, waxaana xitaa la sheegay inay xiisaynayso midayn ay la gasho TikTok.

Gunaanad

Dalabka Perplexity ee ay ku iibsanayso Chrome Browser waa mid taariikhi ah oo dhif ku ah suuqa tiknoolajiyadda. Haddii maxkamaddu ku qasbto Google inay iibiso, waxa laga yaabaa in suuqa browser-radu uu wajahayo isbedel weyn. Waxaa la arki doonaa haddii Perplexity ay helayso taageerada lagama maarmaanka ah si ay u maamusho browser-ka loogu isticmaalka badan caalamka.

lawadaag asxaabtaada