Maareynta Dhakhliga Ganacsiga: 5 Tallaabo Oo Xal u ah Dhibaatooyinka Cash Flow-ga Dhamaadka Sanadka

Hordhac

Maareynta dhaqaalaha ganacsi waa mid aan laga maarmin, balse xilliyada qaarkood waxay keenaan cadaadis gaar ah. Bilaha Oktoobar ilaa Diseembar waa kuwa ugu adag, maxaa yeelay waxay la yimaadaan kharashyo kordha iyo socod lacag oo gaabis ah. Inta badan ganacsiyada yaryar waxay la kulmaan culaysyo la xiriira bixinta gunnooyinka shaqaalaha, ololaha suuqgeynta ee fasaxyada, iyo diyaarinta canshuuraha. Sidoo kale, macaamiisha oo mashquul ku ah fasaxyada waxay dib u dhigaan bixinta lacagta, taas oo saamayn toos ah ku yeelata cash flow-ga. Sidaa darteed, diyaarinta qorshe cad iyo qaadashada tallaabooyin xeeladaysan waa sirta guusha.

Saadaasha Dhabta ah ee Cash Flow-ga

Tallaabada ugu horreysa waa in aad si dhab ah u saadaaliso dhaqaalaha. Ganacsi kastaa waa inuu ogaadaa waxa uu filayo bilaha soo socda, halkii uu ka sugi lahaa ilaa lacagtu yaraato. Saadaalinta waxaa lagu sameeyaa adigoo dib u eegaya xogta dhaqaale ee sanadkii hore, gaar ahaan xilligan oo kale, si aad u aragto isbeddelada ku iman kara dakhli iyo kharash. Markaas ayaad ku dari kartaa qorshahaaga wixii cusub ee aad filayso, sida iib kordhaya ama qalab cusub oo aad rabto inaad soo iibiso. Qalabka sida Excel ama software maaliyadeed ayaa kaa caawinaya in aad hesho sawir cad. Marka aad leedahay saadaal dhab ah, waxaad si fiican u garanaysaa goorta lacag kugu yaraan karto, taas oo ku siinaysa waqti aad ku qaadato tallaabooyin ka hortag ah.

Ururinta Lacagaha Daymaha

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cash flow-ga u xumaada ma aha iib yaraanta, balse waa lacagta ku xayiran macaamiisha oo aan waqtigeeda lagu bixin. Ganacsiga guuleysta waa mid leh nidaam adag oo lagu maamulo daymaha. Sida ugu wanaagsan waa in biilasha loo diro isla marka shaqada la dhammeeyo, halkii laga sugi lahaa dhamaadka bisha. Macaamiisha waxaa lagu xusuusin karaa dhowr maalmood ka hor taariikhda lacag bixinta. Waxaa kale oo aad dhiirigelin kartaa in ay bixiyaan si degdeg ah adigoo siinaya qiimo-dhimis yar haddii ay lacagta ku bixiyaan muddo gaaban, tusaale ahaan todobaad gudihiis. Haddii daymuhu noqdaan kuwo waqti dheer qaatay, waa in la sameeyaa qorshe wicitaan joogto ah ama loo diraa xusuusin rasmi ah. Lacagta degdega u soo noqota waa laf-dhabarka ganacsigaaga.

Xakameynta iyo Dib-u-eegista Kharashyada

Dhamaadka sanadka waa waqtiga ugu habboon ee la xisaabiyo kharashaaka si aad u ogaato meesha aad wax ka yarayn karto. Mararka qaar waxaa jira kharashyo aan muhiim ahayn oo la joojin karo ama dib loo dhigi karo. Tusaale ahaan, iibsashada qalab cusub ama dayactir xafiis oo aan degdeg ahayn waa in loo riixaa sanadka cusub. Waxaa kale oo aad la gorgortami kartaa dadka alaabta kuu keenya (suppliers), si ay kuugu sameeyaan qiimo-dhimis ama hab lacag-bixineed oo dabacsan. waxaa kale oo muhiim ah in aad meesha ka saarto agabka aan wax faa’ida ah kasoo noqonayn kharshna ku socdo.

dhisidda Kaydka Deg-dega ah

si kasta oo aad u qorshe fiicantahay, ganacsigu waa mid lama filaanimadu ku badantahay. Waxaa dhici karta in qalab muhiim ah xumaado ama canshuur degdeg ah lagugu qasbo inaad bixiso. mararkan oo kale ayuu kaydku faa’ida badan yeeshaa. sidaa darteed, Waxaa fiican in ganacsigu yeesho xisaab gaar ah oo 10% ilaa 15% dakhliga billaha ah lagu keydiyo. Xisaabtan waa in aan lagu darin lacagaha maalinlaha ah, si looga ilaaliyo in si fudud loo isticmaalo. Lacagtan waa in loo adeegsadaa kaliya xaaladaha degdeg ah oo khatar galinaysa jiritaanka ganacsiga. Tani, waa mid ka mid ah xeeladaha ugu waxtarka badan ee lagu helo deganaan dhaqaale.

Ka Faa’idaysiga Khibradda Xisaabiye

Mararka qaar, xitaa haddii aad xirfad u leedahay maamulka dhaqaalaha, talada xirfadlaha ayaa ka dhigi karta qorshahaaga mid adag oo ammaan ah. Xisaabiye ama bookkeeper xirfadle ah ayaa kaa caawin kara qorsheynta canshuuraha si aysan u noqon culays lama filaan ah bilaha hore ee sanadka cusub. Waxay sidoo kale sameyn karaan falanqayn ku salaysan xog dhab ah, taas oo kuu tilmaamaysa halka lacagta badani ku baxdo iyo sida aad uga hortagi lahayd una maarayn karto. La-tashiga khabiirku waa tallaabo muhiim ah oo ka dhigaysa qorshahaaga mid dhammaystiran.

Gabagabo 

Maareynta dhakhliga ganacsiga ma aha shaqo hal mar la qabto, waa arin si joogto ah ugu baahan feejignaan iyo qorshe cad. Haddii aad qaado tallaabooyinka ay ka mid yihiin saadaalinta dhaqaalaha, ururinta degdega ah ee daymaha, xakameynta kharashyada, dhisidda kayd, iyo la-tashiga xirfadlayaasha, waxaad si ammaan ah uga gudbi kartaa dhamaadka sanadka. Qorshe la’aan ha u oggolaan in ay dhibaato kugu keento. Haddaba, waa waqtigii aad dib u eegi lahayd xisaabtaada si aad ugu diyaargarowdo sanadka cusub adigoo ganacsigaaga ka dhigaya mid dhaqaale ahaan ammaan ah.

lawadaag asxaabtaada