Maamulka Tamarta Shakhsiyeed: Furaha Nolol Dheellitiran iyo Wax-soo-saar Joogto ah

Qof walba wuxuu leeyahay 24 saacadood maalintii, laakiin maxay tahay sababta qaar wax badan uga qabtaan waqtigaas halka kuwo kale ay ku adkaato inay xitaa hawlo yar dhammaystiraan? In kasta oo maamulka waqtigu uu muhiim yahay, waxaa kasii muhiimsan in aad daryeesho awooda aad ku shaqayn lahayd. hadii jidh kaagu caafimaad qabin, miskaxduna ku daalantahay,shucuurtaaduna dhaawacatahay wakhti ma maamuli kartid. Sidaa darteed, si aad u gaarto guul waarta, waa inaad barataa sidaad tamartaada u ilaalin lahayd, u cusboonaysiin lahayd, uguna isticmaali lahayd meelaha ugu muhiimsan.

Waa Maxay Maamulka Tamarta Shakhsiyeed (Energy management)?

Maamulka tamarta shakhsiyeed waa farsamo lagu qorsheeyo oo lagu ilaaliyo awooddaada si aad u gaarto ujeedooyinkaaga. mabd’a asaasiga ah ayaa ah in aad ka fikirto sidaad u hagi lahayd awoodaha eebe ku siiyay ee jidheed, maskaxeed, iyo shucuureed. hadii jidh ahaan aad u caafimaad qabtid maskaxduna kuu dagantahay, si heer sare ah ayaad u shaqayn kartaa laakiin hadii intaasiba kaa liitaan wakhtina maamuli kartid waxna masoo saari kartid. Noloshaada iyo wax-qabadkaagu waxay si toos ah ugu xiran yihiin sida aad tamartaada u maamusho.

Afarta Nooc ee Tamarta

Sida laga soo xigtay cilmi-baadhiso la sameeyay, bini’aadanku wuxuu leeyahay afar nooc oo tamar ah, oo mid kasta uu midka kale saameeyo waxayna kala yihiin:

a) Tamarta Jidheed (Physical Energy) waa aasaaska tamarta oo dhan. Waxay ku xiran tahay: Hurdo tayo leh: 7-8 saacadood oo hurdo joogto ah. Cilmi-baarisyo ayaa muujiyey in hurdada tayada leh ay kor u qaado wax-qabadka iyo diirad saarida hawlaha. Cunto caafimaad leh: Ka fogaanshaha sonkorta iyo cuntooyinka culus inta lagu jiro shaqada si aad uga fogaato daalka. Jimicsi joogto ah: Xitaa 20 daqiiqo oo socod ah waxay kor u qaaddaa dhiiga wareegga, taas oo maskaxda ka dhigaysa mid firfircoon.

b) Tamar Shucuureedka (Emotional Energy) waa awoodda aad ku maareyn karto dareenkaaga. Waxay ku hagaagtaa: La joogista dadka ku dhiirigeliya: Joogitaanka dadka wanaagsan sida toganna u fakara waxay kor u qaaddaa niyadda. Ka fogaanshaha walbahaarka joogtada ah: dareemaha xun ee ku soo mara waa inaad iska ilaalisaa kana hortagtaa si wal wal kuugu dhicin. Tababbarka maskaxda (Mindfulness): Farsamooyinka nasashada sida neefsashada qotoda dheer ama tukashada salaada ayaa dejiya maskaxda, sidaa darteedna tamar ku soo celiya.

c) Tamarta Maskaxda (Mental Energy):

awoodda feejignaanta, xallinta mashaakilka iyo fikirka hal-abuurka leh. Waxay ku kordhaysaa inaad: Diirad saarid: Samee hal hawl markiiba. Nasasho kooban oo joogto ah: Farsamooyinka sida Pomodoro Technique (25 daqiiqo shaqo, 5 daqiiqo nasasho) waxay ka caawiyaan maskaxda inay dib u soo kabato. Kala saarista hawlaha muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn.

d) Tamarta Ruuxda (Spiritual Energy) Tani waa tamarta ku xiran ujeeddadaada iyo qiimahaaga nolosha. Waxay ku kordhaysaa: Ku shaqaynta hawl aad ku qanacsan tahay: Marka aad dareento in shaqadaadu tahay mid macno leh, tamartaadu way badanaysaa. Ka fekerka ujeeddadaada: Weydii naftaada: “Maxaa i dhiirigeliya?” ama “Maxay tahay ujeeddada noloshayda?”

Maamulka Tamarta muxuu uga Muhiimsan yahay Maaraynta Waqtiga?

Dad badan waxay u maleyaan in maamulka waqtigu uu yahay furaha wax-soo-saarka, laakiin cilmi-baadhisyo badan ayaa muujiyey in maamulka tamartu uu yahay midka ugu awoodda badan. Sababtuna waa in Waqtigu xadidan yahay, halka tamartu aysan koobnayn oo la cusboonaysiin karo. Maalintaada ma ku dari kartid saacado dheeraad ah, laakiin waxaad si joogto ah u cusboonaysiin kartaa tamartaada. sidoo kale, tayada shaqada ayaa ka muhiimsan tirada hawlaha aad qabatay. hadii aad firfircoontahay 4 saacadood ayaad hawlo badan ku qaban kartaa oo tayana leh, halka hadii aad daalantahay aadan awooding qabashada shaqo tayaysan.

Tallaabooyinka Lagu Maamulo Tamarta

  1. Samee Jadwal Hurdo oo Joogto ah: Ha iska dayacin hurdada. Hurdo la’aanta ayaa hoos u dhigta awoodda go’aan qaadashada iyo feejignaanta.
  2. Hawlaha Muhiimka ah Qabso markaad Firfircooni Sare dareento: Aqoonso waqtiga aad ugu firfircoon tahay, una adeegso hawlaha ugu adag.
  3. Nasasho Degdeg ah: Qaado nasasho 5-15 daqiiqo ah saacad kasta. Kac, wareegso ama iska fogee meesha aad ka shaqaynayso.
  4. Maareynta Shucuurta: Baro sida aad u xakameyn lahayd walbahaarka iyo xanaaqa. Maskax deggan waxay u dhigantaa tamar badan.
  5. Dhis Caadooyinka Toosan: Dhis caadooyin wax ku ool ah sida jimicsi subaxdii ah ama cunto fudud oo caafimaad leh. Caadooyinku waxay kaa badbaadiyaan inaad tamartaada ku lumiso go’aan qaadasho.

maraajic (Sources & References)

  • Loehr, J. & Schwartz, T. (2003). The Power of Full Engagement: Managing Energy, Not Time, Is the Key to High Performance and Personal Renewal. Buuggan oo aasaas u ah maamulka tamarta, wuxuu tilmaamayaa in tamarta lamaamulo ee aan waqtiga lagu daalin,
  • Schwartz, T. & McCarthy, C. (2007). Manage Your Energy, Not Your Time. Harvard Business Review. Cilmi-baadhistan ay sameeyeen ayaa muujinaysa in shirkadaha u oggolaada shaqaalahooda inay nastaan oo tamartooda cusboonaysiiyaan ay yihiin kuwo ka wax-qabad badan, kuwa aan lasiin jaaniska nasashada.
  • Hanson, C. (2020). From Time Management to Energy Management. Forbes. Maqaalkan wuxuu xoojinayaa fikradda ah in maamulka tamarta uu ka dhammaystiran yahay maamulka waqtiga, maadaama uu xisaabta ku daro arrimaha caafimaadka, niyadda iyo xiriirka bulshada.

lawadaag asxaabtaada