Google oo wajahaysa dacwad“antitrust” ah oo ku saabsan xayeysiinta internetka

ALEXANDRIA, Virginia — 22 Sebtembar 2025 — Google, shirkadda hoos tagta Alphabet, ayaa isku dayaysa in ay ka hortagto, in qeyb ka mid ah ganacsigeeda xayisiinta internetka lagu qasbo in la kala iibsado. Maxkamad ayaa maanta ka bilaabatay Alexandria, Virginia, iyadoo dowladda Maraykanka iyo dhowr gobol ay ku doodayaan in Google ay si sharci darro ah u xannibtay tartanka suuqa xayisiinta digital-ka ah. dacwadan cusub ayaa noqonaysa fursadda ugu weyn ee dowladdu ku xaddidayso awooda ixtikaarka Google, ka dib markii shirkaddu ay lumisay codsi hore oo ahaa in lagu qasbo inay iibiso Bog furaha Chrome (Chrome browser). 

maxaa lugu haystaa Google?

Dowladda Maraykanka iyo gobollada waxay rabaan in Google laga iibiyo suuqa xayeysiisyada ee loo yaqaano Google ad exchange (dX), halkaas oo mareegaha internetka ay bixiyaan khidmad marka ay xayisiisyada ku iibiyaan hab xaraash ah oo dhacaya isla marka bogga la furo. Dowladdu waxay sidoo kale dooneysaa in habka go’aaminta cidda ku guuleysata xaraashkaas uu noqdo mid furan (open source), si tartamayaasha kale ay u helaan fursad siman.

Qareenka waazaarada cadaalada DOJ, Julia Tarver Wood, ayaa ku dooday in iibinta AdX ay muhiim tahay si tartanka suuqa dib loogu soo celiyo, kadib markii garsoore Leonie Brinkema ay go’aamisay in Google si sharci darro ah u xirtay AdX iyo server-ka mareegaha ee xayisiisyada. Wood waxay sheegtay in haddii Google la sii daayo iyadoo weli awood u leh inay mar kale maamusho suuqada Ads-ka, ay taasi noqon karto khatar weyn oo suuqa ah.

aragtida shirkada Google

Dhinaca Google, qareenkeedii Karen Dunn ayaa ku tilmaamay soo-jeedimaha dowladda inay yihiin kuwo xagjir ah oo waxyeello u geysan kara tartanka, isagoo intaa ku daray in kala goynta adeegga ay abuuri doonto jahwareer iyo hubanti la’aan muddo dheer ah oo ku saabsan xayeysiiyayaasha iyo mareegaha.

Garsoore Brinkema ayaa hogaaminaysa maxkamadda si loo go’aamiyo tallaabooyinka laqaadi karo, waxaana la filayaa in go’aanka kama dambaysta ah uu saameyn ku yeesho sida xayeysiisyada internetka u shaqeeyaan.

Ka hor intaan kiiskan maxkamadeed bilaabmin, Google ayaa horey u soo bandhigtay fikrada iibinta suuqa AdX intii lagu guda jiray wadahadallo qarsoodi ah oo lagu xallinayey baaritaan ixtikaarka suuqa (antitrust) oo Midowga Yurub uu wado.

Grant Whitmore, oo ka tirsan shirkadda Advance Local, ayaa markhaati ka noqday maanta isagoo sheegay in lahaanshaha Google ee qalabka shirkadaha xayisiiska iyo mareegaha ay isticmaalaan uu u ogolaaday Google inay si weyn gacanta ugu hayso suuqa, taasoo faa’ido u leh Google isla markaana ka hor istaageysa shirkadaha kale tartanka.

ugu danbaynta

Kiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo dowladda Maraykanku ku doonayso inay ku xaddido awoodda shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyada.Haddii Google laga qaado suuqa AdX, waxay noqon doontaa isbeddel taariikhi ah oo saameynaya sida xayeysiisyada internetka loo maamulo iyo sida mareegaha ay dakhliga uga helaan xayeysiinta. Go’aanka maxkamadda ayaa go’aamin doona mustaqbalka suuqa xayeysiinta digital-ka ee dunida.

Xigasho: Reuters http://bit.ly/3IemoVH 

lawadaag asxaabtaada