Godey oo Laga Dhisayo Warshad Saliid oo Taariikhi ah

Godey, Gobolka Soomaalida – October 2, 2025 – Ethiopia ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha warshadda saliidda ee Godey, mashruuc muhiim ah oo la qorsheynayo inuu soo saaro 3.5 milyan tan oo shidaal nadiif ah sanadkii. Mashruucan ayaa looga golleeyahay in lagu yareeyo ku tiirsanaanta dalka ee shidaalka la soo dhoofsado, kaasoo sanadkiiba gaadhaya qiimo dhan shan bilyan oo doolar.

Warshaddan waxaa horumarinaysa Shirkadda Shiinaha ee Golden Concord Group Limited (GCL) iyada oo kaashanaysa shirkada maalgashiga etoopiyo (Ethiopia Investment Holdings), waxayna ka shaqeyn doontaa saliidda ceeriinta ah iyo dareeraha khafiifka ah ee gaaska dabiiciga ah kaas oo laga soo saaro ceelasha kaaluub iyo Elale.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed (PhD), oo dhagaxa aasaaska ah dhigay Isniintii, ayaa mashruuca ku tilmaamay mid taariikhi ah:
“Maanta waa maalin taariikhi u ah dhammaan dadka Itoobiyo, maadaama aan dhagaxa dhigayno labo mashruuc oo beddelaya dhaqaalaha iyo warshadaha dalka. Warshadda saliidda iyo tan bacriminta ma’ ahan kaliya warshado ee waxayna ka tarjumayaan mas’uuliyada naga saaran ka faa’ideysiga fursadaha, xoojinta iskaashiga, iyo dhiirrigelinta nabadda.”

Gobolka soomaalida oo warshadda laga dhisi doono, ayaa muddo ka badan qarni noqotay bartilmaameed sahaminta saliidda iyo gaaska. Waxaa la diiwaangeliyey salida dabiiciga ah ee sanadii 1860, sidoo kale, shirkadda Mareykanka ee Tenneco-na waxay heshay keyd weyn oo gaaska dabiici ah sanadkii 1970. Xilligii Dargiga khabiir cilmiga geolajiga oo u dhashay midawgii Soviet-ka ayaa xaqiijiyey in ka badan 100 bilyan mitir cubic oo gaas ah laga soo saari karo gobolka godey. Inkastoo shirkado shisheeye isku dayeen sanadihii dambe, arrimaha ammaanka iyo maaliyad la’aanta ayaa ka hor istaagay dhismaha warshad rasmi ah.

shirkada GCL waxay gashay Ethiopia sanadkii 2013, iyadoo la wareegtay rukhsadaha baarida macdanta gobolkan, waxayna sanadkii 2018 kormeertay soo saar xaddidan oo saliid ceeriin ah, inkastoo dhoofintu aanay bilaaban. Mashruuca Godey waa warshaddii ugu horreysay ee weyn ee hoos timaadda warshadaha hoose ee gobolka, iyadoo qorshuhu yahay in suuqa gudaha iyo dalalka deriska ah la gaarsiiyo.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in warshaddan ay qeyb ka tahay qorshaha horumarineed Ethiopia ee 10-ka sano soo socota, kaasoo mudnaanta siinaya kororka warshadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa la filayaa inay yareyso kharashka soo dejinta shidaalka ee cadaadiska saarta kaydka sarrifka shisheeye.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale dhagax dhigay warshada bacriminta urea, oo ay hirgalinayso shirkadda Dangote ee Nigeria. Warshaddan waxaa la filayaa inay soo saarto 3 milyan tan sanadkii, iyadoo adeegsanaysa gaaska dabiiciga ah ee Elale. Mashruucan cusub ee warshadda saliidda iyo tan bacriminta ayaa la filayaa inuu kor u qaado dhaqaalaha gobolka Soomaalida, yareeyana ku tiirsanaanta shidaalka dibadda, isla markaana abuuro fursado shaqo oo cusub iyo horumar waara oo dhanka warshadaha ah.

lawadaag asxaabtaada