Hordhac
Xaraf.com waxay u hoggaansantaa ilaalinta xogta shakhsiga ah ee booqdayaasha iyo isticmaalayaasha website-ka. siyaasadan waxay cadaynaysaa sida aan u ururinno, u isticmaalno, uguna ilaalinno macluumaadkaaga shakhsiga ah. Markaad adeegsato Xaraf.com, waxaad ogolaatay siyaasaddan.

1. Xogta aan uruurinno

Waxaan ururinnaa laba nooc oo xog ah:

a) Macluumaadka aad bixiso sida:

  • Magacaaga
  • Cinwaanka email-ka
  • xog kale oo aad bixiso markaad isdiiwaangeliso ama nala soo xiriirto.

b) xogta aan ururino si toos ah sida:

  • IP Address-kaaga
  • Nooca browser-ka iyo qalabka aad isticmaalayso
  • Taariikhda iyo waqtiga aad bogga booqato
  • Bogagga aad daawato iyo waqtiga aad ku qaadato.

2. Sida aan u isticmaalno macluumaadkaaga

xogaha aan ururino waxaa loo isticmaali karaa:

  • Si loo hagaajiyo adeegsiga bogga Xaraf.com.
  • Si aan u bixino adeegyo, macluumaad, ama jawaabo ku saabsan su’aalahaaga.
  • Si aan u hubinno amniga iyo ilaalinta website-ka.
  • Si aan kula soo xiriirno, haddii loo baahdo.

3. Ilaalinta xogtaada

Waxaan qaadnaa tallaabooyin farsamo iyo nidaamyo si loo ilaaliyo xogta shakhsiga ah Waxaana ka mid ah:

  • Siraynta xogta (encryption).
  • Xaddididda dadka heli kara macluumaadka.
  • Kormeer joogto ah oo lagu hubinayo nidaamka amniga

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto nidaam 100% ammaan ah. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa inaad isticmaasho ereyada sirta ah ee adag oo aad ilaaliso macluumaadkaaga shaqsiyeed.

4. Macluumaad lala wadaagayo dhinacyada kale

Xaraf.com ma iibiso, ma kireyso, mana wadaagto macluumaadkaaga shakhsiga ah dhinacyo ka baxsan  marka laga reebo xaaladaha hoos ku xusan:

  • Haddii sharcigu nagu waajibiyo.
  • Haddii ay lagama maarmaan tahay si aan u bixino adeegyo lagu heshiiyay (sida adeeg bixiyeyaal farsamo).
  • Si loo ilaaliyo xuquuqaha, hantida, ama amniga Xaraf.com iyo isticmaalayaasheeda.

5. Xuquuqdaada

Adiga waxaad xaq u leedahay  marka aad isticmaalayso Xaraf.com arimaha soo socda:

  • Waxaad codsan kartaa inaad aragto macluumaadka aan kaa hayno.
  • in xogta khaldan la saxo ama la tirtiro.
  • Waxaad ka bixi kartaa liiska boostada ama xiriirada kale ee suuq-geynta.

Si aad xuquuqahaaga u adeegsato, fadlan nala soo xiriir.

6. Kukiyada (Cookies)

Xaraf.com waxay isticmaashaa cookies si ay u hagaajiso khibrada isticmaalayaasha. Cookies waa faylal yar oo loo gudbiyo computerkaaga  si loo kaydiyo xog muhiim ah, sida doorashadaada iyo boggaga aad booqato. 

Waxaad joojin kartaa  cookies adigoo ka beddelaya goobaha browser-kaaga.

7. Isbeddelada siyaasaddan

Waxaan xaq u leenahay inaan mar kasta wax ka beddelno siyaasada xog ilaalinta. Haddii isbeddel la sameeyo, waxaan ku ogeysiin doonnaa boggan ama annagoo dirayna fariin email ah haddii ay muhiim tahay. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa inaad mar walba dib u eegto qaanuunka si aad ula socoto wixii isbeddel ah.

8. La xiriir Xaraf

Haddii aad qabto su’aalo, walaac, ama codsiyo ku saabsan qaanuunka arrimaha khaaska ah, fadlan nala soo xiriir:

Email: maamul@xa-raf.com

Phone: +252686120011