Apple waxay soo bandhigtay iPhone 17 – Naqshad Cusub, Kaamiro 48MP & Chip A19

Cupertino, California – Sebtember 10, 2025 – Shirkadda Apple ayaa si rasmi ah u shaacisay soo bixitaanka iPhone 17, oo noqonaya jiilka cusub ee taleefannada casriga ah ee shirkadda. Sida ay sheegtay Apple war-saxaafadeedkeeda rasmiga ah, iPhone-kan cusub wuxuu la yimid naqshad casri ah, shaashad Super Retina XDR ah oo weyn, iyo chip awood leh oo A19 ah.

Naqshada & Shaashada

iPhone 17 wuxuu leeyahay 6.3-inch Super Retina XDR display, oo leh Ceramic Shield 2 oo ka difaaca xoqidda iyo dhicista. Shaashadu waxay leedahay ProMotion 120Hz si muuqaalka uu u noqdo mid siman, halka iftiinka banaanka uu gaari karo heer aad u sarreeya marka la isticmaalayo qorraxda.

Kaamiro si weyn loo casriyeeyay

  • 48MP Fusion Main Camera iyo 48MP Ultra Wide oo bixiya sawirro tayo sare leh, xitaa xaaladaha iftiinku yaryahay.
  • Kaamirada hore: 18MP Center Stage, taas oo la jaanqaadaysa qaabka portrait iyo landscape labadaba.
  • Moodooyinka Pro & Pro Max waxay bixiyaan zoom digital ilaa 40x.

 Chip A19 – Awood iyo Xawaare sare leh

iPhone 17 wuxuu adeegsadaa A19 chip, kaas oo Apple ku tilmaamtay mid bixiya adeeg degdeg ah iyo tamar-badbaadin wanaagsan, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon ciyaaraha culus (Games) iyo shaqooyinka AI-ga ku saleysan.

Batari cimri dheer

Batariga ayaa hadda ka sii cimri dheer, iyadoo la xaqiijiyay in lagu buuxin karo 50% kaliya 20 daqiiqo markii la isticmaalayo charger degdeg ah oo asal  ah.

Awooda Kaydinta & Midabada

  • Qaab kaydinta: 256GB iyo 512GB.
  • Midabada cusub: Lavender, Mist Blue, Sage, White, iyo Black.

Qiimaha

  • Qiimaha bilowga ah waa : $799 (iPhone 17, 256GB).
  • Pre-order wuxuu furmayaa Sebtember 12, 2025, halka dukaamada rasmiga ah lagu iibin doono laga bilaabo Sebtember 20, 2025.

Gunaanad

iPhone 17 wuxuu isku daraa naqshad cusub, kaamiro tayo sare leh, iyo awood chip A19 oo Apple ku tilmaantay in uu yahay “mustaqbalka mobile computing.” Waxaa la filayaa in uu si weyn u qabsado suuqa, gaar ahaan dadka jecel sawir qaadista iyo ciyaaraha mobile-ka.

✍️ Waxaa soo tarjumay tifatiraha.
📌 Warbixinta oo dhameystiran waxaad ka akhrisan kartaa apple.com newsroom.

lawadaag asxaabtaada