Koox qoraayaal ah ayaa dacwad ka gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taalla Waqooyiga Galbeed ee California, iyaga oo ku eedeeyay shirkadda tiknoolajiyadda weyn ee Apple in ay si sharci darro ah u adeegsatay buugaagtooda xuquuqda lahaanshaha leh (copyrighted) iyaga oo aan ogolaansho laga helin, si loogu tababaro nidaamyada garaadka macmalka ah (AI). Qoraayaasha, Grady Hendrix iyo Jennifer Roberson, waxay shirkadda ku eedeeyeen inay nusqaan iyo magac-bixin la’aan u isticmaashay shaqadooda, ayna ka dharagsan tahay xuquuqda hantida maskaxda (intellectual property rights) (Reuters).
Dacwaddu waxay sheegaysaa in Apple ay isticmaashay buugaag been abuur ah (pirated books) si ay ugu tababarto moodellada luuqadda ballaaran ee shirkaddu wado, kuwaas oo hoos imanaya magacooda “OpenELM”
Dacwaddan waxay kusoo beegmaysaa xilli shirkado kale oo waaweyn sida Anthropic, Microsoft, Meta Platforms iyo OpenAI ay sidoo kale wajahayaan dacwado la xiriira isticmaalka buugaag xuquuq leh oo aan ogolaansho lagu helin, si loogu tababaro nidaamyada AI.
Maanta waxaa sidoo kale la shaaciyey in shirkadda AI-ga Anthropic ay heshiis lacageed oo gaadhaya $1.5 bilyan ka gaadhay dacwad ay qoraayaal ku soo oogeen, iyaga oo ku eedeeyay shirkadda inay buugaagtooda si sharci darro ah uga faa’iidaysatay si loo tababaro chatbot-keeda “Claude”, iyada oo aan ogolaansho laga haysan (Reuters).